Guddiga Qandaraasyadda Qaranka

National Tender Board


Baahin Laba Qandaraas Dhismaha Xarunta Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Ceerigaabo iyo Dhisme lagu kordhinaayo Jaamacada Hargaysa.

Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland waxay baahinaysaa, isla markaana ay ku wargelinaysaa dhamaan Shirkadlayda Dhismayaasha Reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha in Guddida qandaraasyada Qaranku ay baahinayso, Dhismaha xarunta Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Ceerigaabo iyo Dhisme cusub oo lagu kordhinaayo Jaamacada Hargaysa.

Waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu labada Qandaraas furmayo 07/08/2018, Sacada 9:00 subaxnimo maalinta Salaasa, kuna eegyahay 26/08/2018, Saacada 1:30pm Duhurnimo maalin Axad. waxaa kale oo loosheegayaa tartamayaasha in xulidu ama kala saarista tartamayaasha ay dhicidoonto maalinta taariikhdu tahay 27/08/2018, Saacad 9:00am Subaxnimo Maalintuna waa Isniin.

Haddaba Shirkadaha Danaynaya Qandaraaska labada Dhisme hala soo xidhiidhaan Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka, oo ku yaala Shacabka, Madaxtooyada dabadeeda, ama Bariga Emperial Hotal. hadiikale lasoo hadal Telephone- kan 0634471788.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)

Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka


Location

Gurigga Shaqaalaha
Hargeysa, Somaliland

info@somalilandtenderboard.com


+252634438305

+252659304077

+252634471788


Sabti - Arbaca: 7:00am - 2:00pm

Khamiis: 7:00am - 1:00pm

Jimce: Lama shaqeeyo

© 2018 Somaliland Tender Board