Guddiga Qandaraasyadda Qaranka

National Tender Board



BAAHIN QANDARAASYO:

1. DHISME LAGU KORDHINAYO JAAMACADA HARGEYSA (IPCS).
2. ROOGA CAGAARAN OO LA DHIGAYO GAROONKA ALAMSE STADIUM (BURCO).
3. DHISME LOO DHISAYO XARUNTA JOC-GA IYO URURKA XISAABAADKA.


Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland waxay baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha in guddida qandaraasyada Qaranku ay baahinayo dhisme lagu kordhinayo Jaamacada Hargeysa (IPCS), Dhismaha xarunta JOC-ga iyo ururka xisaabaadka iyo Rooga cagaaran oo la dhigayo garoonka Alamse Stadium ee magaalada (Burco).

S/N Dhismayaasha Xaga Laga Dhisayo Cidda Loo Dhisayo
1 Dhisme lagu kordhinayo jaamacada Hargeysa (IPCS) Hargeysa Jaamacada Hargeysa
2 Dhigista Rooga Cagaaran ee Alamse Stadium ee Magaalada (Burco) Burco W/Ciyaaraha
3 Dhismaha xarunta JOC-GA iyo ururka xisaabadka Hargeysa W/Horumarinta Maaliyadda

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 30/10/2018, Maalin Salaasa, kuna eegyahay 05/11/2018 Maalin Isniina, saacadu markay tahay 12:00pm (Duhurnimo).waxaana la furi doonaa qandaraaska dhismayaasha 06/11/2018 Malinta Salaasa 9:00am (subaxnimo), isla maalintaasina dhici doono kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba Shirkadaha Danaynaya Qandaraaska Gadiidka loo iibinaayo Dawladda hala soo xidhiidhaan Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka, oo ku yaala Shacabka, Madaxtooyada dabadeeda, ama Bariga Emperial Hotal. hadiikale lasoo hadal Telephone- kan 0634400437, 0634471788, 0634411008.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)

Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka


Location

Gurigga Shaqaalaha
Hargeysa, Somaliland

info@somalilandtenderboard.com


+252634438305

+252659304077

+252634471788


Sabti - Arbaca: 7:00am - 2:00pm

Khamiis: 7:00am - 1:00pm

Jimce: Lama shaqeeyo

© 2018 Somaliland Tender Board