Guddiga Qandaraasyadda Qaranka

National Tender Board


BAAHIN QADARAASKA QODISTA BEER-QODAALKA DEEGAANKA BEER EE G/TOGDHEER

Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland waxay baahinaysaa isla markaana ay ku wargelinaysaa dhamaan Shirkadlayda wax beerta, gaar ahaan G/Togdheer qandaraaska Beer-qodaalka deegaanka Beer ee G/Togdheer.

Hadaba, Shirkadaha danaynaaya Qandaraaska Beer Qodaalka Deegaanka Beer ee G/Togdheer, hakala soo xidhiidhaan Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer oo kuyaala Magaalada Burco.

Waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaska Qodista Beer uu furmayo 08/09/2018, Sacada 9:00 subaxnimo, kuna eegyahay 10/09/2018, Saacada 1:30pm Duhurnimo. waxaa kale oo loosheegayaa tartamayaasha in xulidu ama kala saarista tartamayaasha ay dhicidoonto maalinta taariikhdu tahay 12/09/2018, Saacad 90:00am Subaxnimo maalin Arbaca.

SHURUUDAHA LOOGA BAAHAN YAHAN QANDARAAS QAATAHA WAASIDAN HOOS KUQORAN:

  • 1. Waa inay tahay Shirkad laga leeyahay Somaliland Gaar ahaan G/Togdheer.
  • 2. Waa inuu deegaanka aad u yaqaanaa.
  • 3. Waa inuu haysto qalab ku filan qodaalka (700 Hectare).
  • 4. Waa inuu haysto wadayaal ku filan khibradna uleh Beer-qodaalka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)

Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka


Location

Gurigga Shaqaalaha
Hargeysa, Somaliland

info@somalilandtenderboard.com


+252634438305

+252659304077

+252634471788


Sabti - Arbaca: 7:00am - 2:00pm

Khamiis: 7:00am - 1:00pm

Jimce: Lama shaqeeyo

© 2018 Somaliland Tender Board