Guddiga Qandaraasyadda Qaranka

National Tender Board


Baahin Sedex Qandaraas: 23 December 2018

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland waxay baahinayaan, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, in guddida qandaraasyada Qaranku ay baahinayo 3 dhisme, oo kala ah:

S/N FAAH FAAHIN GOOBTA SHAQADA WASAARADDA LODHISAAYO
1 Dhismaha Dayrka Iskuulka Togdheer Burco W/Waxbarashada
2 Dayactirka Dhismaha Iskuulka Sheekh Ibrahim Burco W/Waxbarashada
3 Dhisme Cusub iyo Dayactir Iskuul Laas-Caanood W/Waxbarashada

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu qandaraaska Saddex (3) dhisme uu Furmaayo 23/12/2018 kuna egyahay 25/12/2018 Maalinta Salaada saacadu markay tahay 12:00pm, waxaana la furi doonaa qandaraaska dhismayaasha, 26/12/2018 9:00 AM subaxnimo maalinta Arbacada, waxaana lagu furi doonaa Hoolka Shaqaalaha Dawladda, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismayaashaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah ama 0634400437, 0634471788


ALLAA MAHAD LEH

Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)

Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka


Location

Gurigga Shaqaalaha
Hargeysa, Somaliland

info@somalilandtenderboard.com


+252634438305

+252659304077

+252634471788


Sabti - Arbaca: 7:00am - 2:00pm

Khamiis: 7:00am - 1:00pm

Jimce: Lama shaqeeyo

© 2018 Somaliland Tender Board