Guddiga Qandaraasyadda Qaranka

National Tender Board



Baahin Qandaraas: 15 September 2019


Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, iyo shirkadaha Iibiya Qalabka iyo cidkasta oo danaynaysa usoo bandhigayaan 3 mashruuc oo dhisme iyo Qalab ah oo loo doonayo Dawladda Faah-faahinta dhismaha iyo Qalabkuna waa sidan hoos ku qoran.

S/N Nooca Dhismaha Faah-faahinta Dhismaha & Qalabka
1 Dhismaha Garoonka kubada Cagta Ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag Dhisme Cusub
2 Dayactirka iyo Qurxin lagu samaynayo xafiiska Badhasaabka Gobolka M/Jeex Dayactir iyo Qurxin
3 Qalab Loo doonayo Wasaaradda Macdanta Qalab

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu qandaraaskan kor kusani furmaayo 22/10/2019 isla markaana uu xidhmayo 27/10/2019 maalinta Axad ah saacadu markay tahay 12:00am. Waxaana la furi doonaa Qandaraaska dhismaha iyo Qalabka, 28/10/2019, Maalinta Isniinta ah Saacadu markay tahay 10:00Am, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyadda Qaranka.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismaha iyo Qalabka hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala Guriga Shaqaalaha Dhexdiisa ama Galbeedka Cumar Xaashi Building ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)

Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka


Location

Gurigga Shaqaalaha
Hargeysa, Somaliland

info@somalilandtenderboard.com


+252634438305

+252659304077

+252634471788


Sabti - Arbaca: 7:00am - 2:00pm

Khamiis: 7:00am - 1:00pm

Jimce: Lama shaqeeyo

© 2018 Somaliland Tender Board